Caro xooggan oo ka dhalatay Imaam Masjid ‘oo u gefay’ Sheekh Cusmaan Xiddig

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Allaha u naxariistee waxaa habeen hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday caalimkii waynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig), kaas oo isla shalay lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay kumaan kun oo dad ah una badan Jamaacadiisa.

Geerida Sheekh Cusmaan Xiddig kadib ayaa waxaa haatan soo kordhay arrin kale oo uu ka dhawaajiyay Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow) oo Imaam ka ah Masjidka wayn ee Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho, kaas oo war yaableh kasoo saaray geerida marxuumka.

Ibraahim Ciyow ayaa soo saaray qoraal dheer oo ‘u muuqdo mid digasho ah’ wuxuuna si aad ah loogu baahiyay baaraha bulshada, kadib markii ay ka caroodeen dad badan.

Ninkan ayaa qoraalkiisa uga hadlay Kutubadii uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig oo uu ku tilmaamay inay ka hadlaan shirki iyo la barakeysto maydkiisa.

“Geeridu digasho maleh laakiin mabaadi’da mujaamalo ma taqaan . Waxaan arkayay kuwa wahaabiyo ah oo leh “ sh cismaan xidig ilaaheey ha unaxariisto ,wuxuu allifay kutub badan oo naafico ah ……….” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ibraahim Ciyow.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nacam wuu allifay kutub lkn ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay ?? kulligood ama badankood wuxuu ku difaacayaa inta aan suufiyo isku haynayba oo mayd la baryo oo tawasul loo bixiyo iyo qubuuro laysku jiid jiido oo la baryo oo tabaruk uu ubixiyay iyo shirkiyaatkoodii iyo khuraafadoodii un , mana lahan nafci ee kutub baadi iyo shirki iyo khuraafo buu ka tagay , ilaaheey baana yaqaan sida uu yeelayo oo iiga naxariis badan”.

Imaamka Masjidka Cali Jimcaale oo sii hadlay ayaa xusay in maalmaha soo socda la arki doono, ayada oo la caabudayo qabriga Sheekh Cismaan Xiddig, sida uu hadalka u dhigay.

“Al muhiim qofku wuxuu yahay inuu yaqaan waa muhiim inta uusan caadifadii iyo qalbi jileecee ummu hebel galin, igana qor inaad arki doontaa isaga oo mardhow la caabudayo oo magac Ziyaaro loo bixin doono u tagistiisa iyo baryadiisa, illeen isagaaba usii dhigay in la barakeysto, haddii uu dhintee” ayuu mar kale yiri Imaamka Masjidka Cali Jimcaale.

Arrintan ayaa dhalisay dood xasaasi ah iyo falcelin xoogan, waxaana ka hadlay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka carooday hadalka kasoo yeeray Ibraahim Ciyow.

Siyaasiga caanka ah Cali Yare oo ka falceliyay ayaa yiri ” Waxaan maqlayaa in ninkaan kibray ee baarqabka ah oo meydka AUN Shiikh Cismaan Xidig caayay kuna tilmaamay mushrigga inuu Iimaam ka yahay masjidka Shiikh Cali Jimcaale ee Muqdisho ku yaalla iyo inuu macalin u yahay ardayda masaajidka quraanka lagu baro. Middii ay labadaas tahayba xertii Sheekhu ka tagay ee kumanaanka kun ah iyo ummada muslimka ah ee ninkaan magaalada uu joogo la joogta ama haleeli karta masuuliyad in la edbiyo ah ayaa dushooda saaran”.

Shiriif Shire Axmed ayaa isna yiri “Waa xaqiiq in uu soo saarayo kuwa is qarxiya Somalia waxaa la dagay waa dadka nuucaan ah oo cid wax ka qabanaysa aysan jirin”.

Sakariye Cabdi Xakiin ayaa isna ku jawaabay “Ibraahiim Ciyow cilmiga aad soo baratay maku fari waayay inaad maytida afkaaga ka dhowrto. Sheekh Cismaan Xidig AUN inaad ku tilmaamto qof shirki faafinaya maaha wax lagaa aqbali karo, waliba Masjidka Cali Jimcaale in aad imaam noogu noqoto adigoo culimadeenii gaalaysiinayana”.

Ayuu Barre ayaa yiri “Ma jecleen inaan wax yaabo kale ka hadlo balse waxaan la aamusi waayay dhaqan xumada iyo jaahilnimada xargaha goosatay ee inankaas kula dhaqmaayo Ahlu-qabuurka”.

Ugu dambeyn Ibraahim Ciyow ayaa qoraalkii uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ka saaray, laakiin dad badan ayaa sawirro ka qaaday, kadibna jawaaba kulul ka bixiyay.

 



Source link