Caro ka dhalatay dhalinyaro kasoo jeedo KGS oo lagu dhibaateeyay MUQDISHO

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Car xooggan iyo falcelin ayaa ka dhalatay dhibaato xalay Muqdisho loogu gaystay dhalinyaro kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ku maalinta aas-aaska calankooda u dabaal-dagayay, kadib markii ay weerareen ciidamo hubeysan.

Falkan oo ka dhacay agagaarka isgoyska KMG ayaa sababay waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah dhalinyarada isku soo banaan-baxay, oo ay ka cariyeen ciidanka ammaanka.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan, waxaana xildhibaan Maxamed Abuukar oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed uu yiri “”Reer Koonfur Galbeed haday cyaar u imaadeena waa la dhibaateeyey haday calankooda u dabaal degaana waa ka dhibaateeyey lama ogalaanayo qofkii dhacdadan ka dambeeyeyna waan la xisaabtamaynaa”.

Sidoo kale waxaa kiiskan ka hadlay Xisbiga Himilo Qara ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed oo si weyn u cambaareeyay xadgudub uu sheegay in loo gaystay dhalinyaradaasi.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynaayaa dhibaatada caawa loo geystey dhallinyarada reer KGS ee iyagoo si nabad ah ugu dabaal degaayey ciidanka loo adeegsadey halkaasna ay dhaawacyo iyo dhibaato kasoo gaartay” ayaa lau yiri qoraalka.

Sidoo kale Xisbiga ayaa tilmaamay in si gaar ah loo beegsaday dhalinyarada Koonfur Galbeed, taasina ay tahaya wax laga xumaado, maadaama munaasabada noocaan kale ah ay dadka kasoo jeeda maamullada kale ay ku qabsadaan gudaha caasimada.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale ku baaqay in lasoo qabto askarii ka dambeysay dacaddigaaas, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waa wax laga xumaado in si gooni ah loo beegsado dhalinyaro aan wax dambi sameynin.Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa laamaha ammaanka inay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan ciidanka ku xad-gudbay muwaadiniin si nabad u damaashaadayay” ayaa lasii raaciyay.

Koonfur Galbeed ayaa marar badan ka cabatay dhibaato loogu gaystay gudaha caasimada, waxaana la xasuustaa weerarkii lagu beegsaday ciyaartoydooda, xilli uu u socday tartanka ciyaaraha mamul goboleedyada, kaas oo sababay inay gabi ahaan ka baxaan tartankaasi.



Source link