Cali Guudlaawe oo u bareeray inuu hortago reer Hiiraan oo diidan maamulkiisa

Posted on

Moqokori (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa safar ku maraya deegaanada maamulkaas, wuxuuna maanta gaaray degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Hiiraan laga diidanaa xukunka Cali Guudlaawe.

Safarka uu ku tegay Moqokori waxaa ku wehliya Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana si weyn u soo dhoweeyey Guddoomiyaha iyo shacabka degmada Moqokori.

“Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori, kadib markaan ka xoreynay Khawaarijta, waadna u dhabar adeygteen miraha dowladnimada ee aad guraneysaan,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maalmihii lasoo dhaafay Cali Guudlaawe ayaa socdaal shaqo ku marayay degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana uu uga sii gudbay Gobalka Hiiraan, halkaas oo tabasho xoog leh ay ka jirto.

Madaxweynaha ayaa mudada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, waxana uu ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori.

Beesha Xawaadle oo degta Moqokori iyo inta badan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ayuu Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku dhiiraday inuu hortago.

Beesha Xawaadle ayaa diidan gabi ahaanba inay kasii mid noqdaan maamulka HirShabeelle, waxayna kol sii horeysay ku dhawaaqeen maamul kale oo ay ugu magac-dareen Hiiraan State.

Cali Guudlaawe ayaa qorsheynaya in safarkaan uu ku tago degmooyin kale oo muhiim ah oo beesha Xawaadle ay degto, sida Beledweyne, Maxaas, Buulburde, degmooyin iyo deegaano kale, waxaana safarkaan madaxweynaha ku riixaya ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe.

Hoos ka daawo



Source link