Cali Guudlaawe oo isugu yeeray Guddiga Gurmad Qaran, kalana hadlay…

Posted on



Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddiga Gurmadka qaran oo ay ugu horeyaan Wasiirrada Wasaaraddaha, Cafimaadka, Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Xarunta NEOC ku qaatay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo kabasho looga bixin lahaa khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaaladda suuqa ee lagu ogaaday safarkii u kuur galidda ahaa ee Guddoomiyaha Hay’adda ku tagay Jowhar.

Warbixintaan waxaa lagu xusay in dabku baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana wax-yeeleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hay’adda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku booriyay dedaalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo.

Xubnaha Guddiga ayaa ballan-qaaday in si wax ku ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtoobay ee gacan-qabadka deg-degga ah u baahan.

Xaalada suuqa ayaa hadda tartiib tartiib u soo laabaneysa, waxaana la dhisayaa goobihii ku gubtay suuqa, dadka qaar waxaa gaaray gurmad ay u fidiyeen dadkii la damqaday khasaaraha gaaray.

Maanta Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka qaran ayaa ka wada hadlay sidii jawaab soo kabasho ah looga bixin lahaa khasaaraha ka dhashay dabkii burburiyey suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.










Source link