Caalimkii waynaa Sheekh Cusmaan Xiddig oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo loo yaqaanay Sheekh Cusmaan Xidig.

Sheekha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaay magaalada Muqdisho oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad.

Marxuumka ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay Sheekh Maxamed Daa’uud oo kamid ah xertiisa, wuxuuna sheegay inay xalay saq-dhexe uu geeriyooday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Sheekha lagu aasi doono agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Geerida Sheekha oo si weyn looga yaqaanay dalka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax kala duwan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo marxuumka alle uga baryay Jannadii Firdowso.

Sheekh Shariif “Waxaan dhamaan Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeynayaa Geerida Caalimkii Weynaa Sheikh Cusmaan Xidig, Waxaan Tiiraanyadda la qeybsanayaa Qoyskiisa iyo Xirtiisa meel walbo oo ey dunida ka jogaan.  Alaah u naxariistee Sheikh Cismaan Xidig waxa uu ahaa Caalim Umadda wax badan taray Juhdi & dadaal badan ku bixiyay cilmi gaarsiinta iyo wax barida Bulshadeen, Wuxuu soo saaray Mashaaikh wax tar u leh ummaddeen soomaaliyeed”.

Madaxweyne Cali Guudlaawe “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan farriin tacsi ah u dirayaa qoyska, saaxiibada iyo kutaabtiisa Caalimkii weynaa Sheekh Cismaan Xiddig oo aan ku xasuusaneyno barbaarintiisii Diinta. Rabbi ha Janneeyo.”

Khayre ” Waxaan guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana qoyskiisa, qaraabadiisa, xertiisa, iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan madaxda qaranka iyo culimada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in la maamuuso Sheekha, lana nooleeyo dhaxalkii uu ummadda uga tagay, bulshadana lagu baraarujiyo sooyaalkiisa, cilmigiisa, iyo dhaqankii suubbanaa ee uu hormuudka u ahaa.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, asxaabta iyo dariiqadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Sheekh Cismaan Xidig Sheekh Cumar Sheek Daa’uud Culusow oo ahaa caalim u go’ay faafinta diinta Islaamka iyo daryeelka dariiqadiisa. Sheekh Cismaan wuxuu ahaa tiir wayn, iyo hoggaan dariiqo oo ay ka aflaxeen xer badan oo maanta kaalimo wax ku ool ah bulshada kaga jira”.

Xildhibaan Ducaale “Waxaa Tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaan Ehelka, asxaabtii iyo  umadda Soomaaliyeed Geeridii ku timid Allaha u naxariistee caalimkii weynaa Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (SHEIKH CUSMAAN XIDDIG) oo xalay Mudisho ku xijaabtay. Sheekha Allaha u naxariisto, Jannatul firdowsana Allaha ka waraabiyo”.



Source link