BOOLISKA oo faahfaahiyay howlgalka ka socda Dab-damiska

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qaaday xaafadda Dab-damiska oo ay saaka tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay saaka ka halkaasi ka wadaan shaqo culus, wuxuuna tilmaamay in dib loo howlgelinayo xaruntii Dab-damiska ee uu lahaa dalka.

“Ciidanka dab-damiska Soomaaliyeed saaka waxay dab-damiska ka wadaan shaqo lagu diyaarinaayo goobtaasi, si looga dhiso xarun wayn oo magaalada Muqdisho u noqon doonta dab-damis la tacaala dhibaatooyinla dabka soo noqnoqday” ayuu afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa xusay in baahi wayn loo qabo dhismaha xaruntan, isaga oo sheegay in tirakoob uu sameeyay taliska booliska ay ku ogaadeen inay magaalada Muqdisho ku gubatay illaa 47 goobood oo ay ku gubtay hanti Soomaaliyeed, balse hadda kadib loo heli doono xal dhammaan dhibaatooyinkaasi.

“Tirakoob uu sameeyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa gubatay illa 147 meelood oo isugu jiro meelo yaryar iyo meelo waa wayn oo ay ku baaba’day hanti Soomaaliyeed oo ay lahayd bulshada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka dagan dhulka Dab-damiska la siiyay waqti ku filan, isla markaana uu maanta ku ekeaa isaga oo tilmaamay in inta badan laga guuray, dadkii harana ay gacam siinayaan ciidamada Booliska.

“Boolisku wuxuu waqti dheer siiyay muwaadiniin daganayd halkaas, waqtigaas oo maanta ku ekaa, dadka intood badan way guureen wayna mahadsanyihiin intii kalena waxaa caawinaya booliska oo baabuur ugu deeqaayo” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray warbaahinta oo uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan horumarka iyo wanaagga dalka.

“Saxaafadda waxaan leenahay dab-damisku bulshadii daganeyd iyo boolisku ay wada shaqeeyeen wuu dhamaaday dhismihiina waa la bilabaayaa ee ka shaqeeya wanaagga” ayuu kusoo gabagabeeyay afhayeenka booliska.



Source link