Booliska Muqdisho oo War ka soo saaray nin caawa dilay hooyadii & abtigiis

Posted on




Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir aya soo bandhigay gacan ku dhiigle caawa dilay Hooyadii dhashay iyo abtigiis.

Booliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in gacan ku dhiigle Maxamed Xassan Cali Dhiblaawe loo taxaabay xabsiga.

Ninkan ayaa ku eedeysan dilka hooyadiis oo la oran jiray Marxuumad Muraayo Muxumud Siyaad 55 jir aheyd iyo abtigiis Marxuum Yuusuf Muxumud Siyaad 85 jir ahaa.

“Waxaana la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si  looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu dilo waalidkiis” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska gobolka Banaadir.

Falkan ayaa caawa ka dhacay xaafada Warlaliska oo ka tirsan degmada dayniile ee gobolka Banaadir.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninkan oo mindi ku gowracay hooyadiis iyo abtigiis uu dhinac seexday meydkooda markii uu dilay, iyadoo dadka deriska la ah qoyskaas ay sheegeen in ninkan uu yahay dhegaal, sidoo kalena maskaxda looga jiro.




Source link