Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay labo nin oo baxsad ahaa oo dil geestay

Posted on

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtay labo nin oo ku eedeysan in ay dil geesteen, labadan nin ayaana ciidamada baadigoob ugu jireen labadii maalin ee lasoo dhaafay.

War kasoo baxay taliska booliiska maamulka Somalliland ayaa lagu sheegay in ciidamada kasoo qabteen labada nin ee dilka ku eedeysan deegaan lagu magacaabo Naq-dhibiijo ee kuyaalla hawdka Magaalada Burco.

Raggan ciidamada booliiska Somaliland soo qabteen oo lagu kala magacaabo Cabdilaahi Aadan Cigaal oo 20 sanno jir ah iyo Cabdiqani Kayse Hayaan oo 25-sanno jir ah ayaa ku eedeysan dil ay 8-deedii bishan u geesteen marxuum Mustafe Cali Xasan.

Taliska booliiska Somaliland ayaana sheegay in raggan dilka ku eedeysan ee ku jira gacanta ciidanka booliiska si deg deg ah loo horgeyn doono hay’adaha caddaaladda , si loogu qaado dambiga ay galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link