Blinken oo si cad u sheegay in ciidamada Israel ay garanayaan oo kaliya dilka rayidka

Posted on

Israa’iil oo bilooyin ka hor sheegtay inay burburisay awooddii Xamaas ee waqooyiga Qasa , ayaa mar kale shalay sheegtay inay dib howlgallo uga fulinayaan halkaas gaar ahaan xerada Jabaliya

Sababtu waxay ku sheegeen in Xamaas ay mar kale goobta isku aruurinayso oo awoodooda dib u soo celiyay,

Xamaas ayaa gantaallo ay ka soo rideen waqooyiga Qasa waxay dhaawac iyo dhimasho ku gaarsiiyeen Israa’iiliyiinta ku sugan dhulka ay qabsadeen ee ka fog Qasa!

Fallanqeeyaasha Mareykanka ayaa u arka wax aan dagaal horey loogu arag , inay Israa’iil wax walba sameysay si ay u burburiso awoodda Xamaas ee waqooyiga Qasa, haddana wali waxay u muuqdaan koox aan waligeed dagaal lagu soo qaadin, sida uu soo bandhigay telefishinka CBS ee Mareykanka, oo warbixinta uu soo bandhigay ku sheegay inaysan Israa’iil haysan qorshe guul ay ku gaari karto.

Dhinaca kale , xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ,Blinken wuxuu si cad maanta u sheegay inay aaminsan yihiin oo ay u muuqato Israa’iil kaliya waxa ay dilayso inay yihiin rayid oo dhimashada kooxda ay la-dagaallamayaan inay ka badan tahay tan gaartay rayidka.

Source link