BF Soomaaliya oo dib u furmaya, kadib maalmo uu hakad galay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa maanta dib u bilaabanaya kulamadii caadiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad galay, sababo la xiriira xiisadda hareysay Golaha ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada.

Wararla ayaa sheegaya in haatan baarlamaanka Soomaaliya uu mid kamid ah kulamadiisa ku leeyahay xarunta Villa Hargeysa, si loo sii amba qaado howlaha shaqo ee horyaallo.

Saddexdii kulan ee ugu dambeysay ayaa baaqday, sababo la xiriira is qab-qabsiga xildhibaannada, kadib markii ay xiisad ka dhalatay mudanayaal taageeray Itoobiya.

Sababta ugu wayn ee muranka ka dhashay waa arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya.

Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale waxaa jiray go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dib u bilaabidda kulamada baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli todobaadkii hore is-faham buuxa laga gaaray khilaafka soo kala dhex-galay xildhibaannada, kadib dadaallo uu sameeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).



Source link