BF oo soo farogelisay xaaladda ka taagan Muqdisho kadib go’aankii DF

Posted on

Muqdish (Wararka Maanta) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa soo farogelisay xaaladda ka dhalatay go’aanka dowladda ee ku aadan canshuurka Iibka ee ka taagan Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa la horgeeyay mooshin culus oo ku aadan cabashada shacabka iyo ganacsatada, kaas oo ay Sabtidii guddoonka sare u gudbiyee xildhibaano kor u dhaafaya illaa 10 oo sheegay in mooshinkooda uu ku saabsan yahay xaaladda soo korortay.

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo ka hadashay mooshinka la geeyay baarlamaanka ayaa sheegtay in shacabka gobolka Banadir oo kaliya la beegsaday, isla markaana canshuurta lasoo kordhiyay ay dhibaato ku tahay reer Muqdisho..

Sidoo kale waxa ay soo bandhigto lacago xad-dhaaf ah oo ay sheegtay in ganacsatada looga qaado dekedda iyo koontaroolo ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Shacabkan gobolka Banaadir dhibaatooyinka ay qabaan waxaa kamid ah baabuurka marka uu dekdda ka baxo oo badeecadaha gobollada uu qaado Ex-koontarool waxaa looga qaadaa 188 dollar, siinka dheer waxaa looga qaadaa 80 dollar oo la leeyahay wasaaradda gaadiidka ayaa iska leh busteejooyin loo bixiyay laamo faracyo ah oo mid kasta looga qaado 250 dollar, degmada waxaa looga qaadaa 10 dollar, lacagahaas oo dhan ma galaan wasaaradda maaliyadda” ayay tirix dilhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.

Waxaa kale oo ay sii raacisau “Dadka gobolka Banaadir ee aan annaga xildhibaannada u nahay ma diidana canshuur dowladnimada Soomaaliya ayadoo dekedda iyo garoonka aysan shaqeynin ay dhiibi jireen canshuur”.

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gaama’diid oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in arintan lagu beeegsanayo ganacsiga dad gaar ah, si loo baabi’iyo hantidooda.

“Dad gaar ah ayaa ganacsigooda la baabi’inayaa, Malaayiin dollar oo jeebab gaar ah ku dhaca ayaa laga qaadaa ganacsatada oo waraaqihii lagu qaatay la hayo” ayuu yiri.

Gamaa’diid ayaa sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo xeer u gaar ah canshuurta, si xal loogu helo cabashada shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

“Arrinkan cabashada ah ee taagan ma’ahan in cashuur laga soo horjeedo, ma’ahan inaan diidanahay ee waa in xeer loo helo Canshuurta” ayuu isna yiri Xildhibaan Gaama’diid.

Doodda baarlamaanka ayaa kusoo aadeyso, xilli maalintii labaad uu xiran yahay suuqa Bakaaraha, sababo ku aadan cabasho ay canshuurta iibka ka qabaan ganacstada.



Source link