BF oo loo gudbiyay dalab xasaasi ah oo la xiriira hubkii la bililiqeystay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ka dhalatay hub sharci darro ah oo xadka Soomaaliya laga soo geliyay dhinaca Itoobiya ee ku beegan gobolka Gobolka Galgaduud, kaas oo ay la wareegeen maleeshiyaad deegaanka ah.

Hubkan oo lagu keenay gawaari xamuul ah ayaa dagaal kadib waxa uu gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, taas oo halisteeda leh, maadaama halkaas ay ka jirto xiisad xoogan iyo dagaallo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga hadlay arrintan ayaa dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay inuu guddi u xilsaaro hubka la bililiqeystay, si loo ogaado cidda ka dambeysay falkan.

“Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray warsame.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu ku dhaliilay inay ka gabeen mas’uuliyadooda, wuxuuna su’aal ka keenay waxa xilligan kusoo beegay hubkan, maadaama la qaaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd dalka.

Hoose ka akhriso:-

Madaxda laanta fulinta ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab.

Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh.

Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii  dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib.

Soomaaliya waa laga qaaday cunaqabatayntii hubka, mana jirin xiriir nagala dhexeeya Itoobiya, mana dhici karto sabab hub looga soo tahriibiyo. Halkii uu hub u gacan galo shacab, waxaa halis gala nabadda iyo xasiloonida.

Waxaan uga baaqayaa Madaxweynaha in uu kala daayo dawladnimada iyo dhaqanka la isku milayo damaca siyaasada, danaysiga shakhsiga ah iyo macaashka dalaalnimada.

Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay.



Source link