Ballan-qaadkii Xasan iyo Golaha Wadatashiga oo beenoobay – Sidee wax u dhaceen?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Rejada ah inay doorashada Soomaaliya xilligeeda ku dhici doonto waa buurna.

Xasan Sheekh iyo Farmaajo midkoodna waqtigeeda kuma qaban doorashada dalka labadii muddo xileed ee lasoo dhaafay. Farmaajo ayaa hal sano iyo saddex billood dhaafay waqtigii laga rabay inuu ku qabto doorashada dalka.

Halka Xasan Sheekh uu muddo xileedkii hore lix billood dhaafay xilligii doorashada. Dadka Soomaalidu waxay iskala qabsadeen inay madaxda dhaafto maalinta doorashada, waxaana baxay ereyo qiil ah oo la yiraahdo “waqti farsamo”.

Sida caadiga ah nuuca doorashada iyo jadwalka waxaa la dhisaa sanadka labaad ee muddo xileedka qofka xukunka haysta.

Farmaajo 2018-kii ayuu Baydhaba kusoo dhisay qorshaha doorashada, laakiin waa fulin waayay, iyada oo weliba ay maamullada u dhamaayeen go’aanka maalintii la gaaray. Xasan Sheekhna Muqdisho ayuu bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhisay hanaanka doorashada, xilli ay Puntland ka maqneyd, mucaaradkana ay diideen.

Fulinta koowaad ee heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa ku beegna 30-ka bishii dhamaatay ee June.

Madaxweyne Xasan, xukuumaddiisa iyo afar kamid ah maamul goboleedyada oo lagu daray gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay shaqada koowaad ee doorashada in laga dhigo qabashada doorashada dowladaha hoose.

Laakiin wixii ay madaxda Soomaalida ku heshiiyeen ayaa fashilmay oo shaqeyn waayey. Qabasho iska daaye xitaa majiro maamul goboleed isku dayey inuu qabto oo kamid kuwii saxiixay.

Gobolka Banaadir oo ah halka ay degan tahay dowladda dhexe ayaa xitaa far loo qaadin fulinta heshiiskii uu madaxweynaha saxiixay ee uu sheegay inuu dalka doorashada ku gelinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah, isaga oo caasimaddii uu joogay ee Muqdisho ka qaban waayey doorashada dowladda hoose.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada midna kama raali-gelin shacabka Soomaaliyeed inay sameyn waayeen wixii ay ka ballan-qaadeen. Cudur-daar la’aantu waa caadada madaxda Soomaalida, waxaana loo sababeeya in uusan shacabka qiimo badan ugu fadhin.

Sidoo kale dadweynaha weli looma sheegin waqti labaad ee la qaban doono doorashadii loo ballan-qaaday ee dowladaha hoose inta aanba la gaarin midda weyn. Fashilka halkan ka dhashay wuxuu xoojinayaq eedeyntii mucaaradka ee aheyd in uusan madaxweyne Xasan Sheekh wax doorasho ah u socon.

Iyada oo aan la qaban doorashada dowladaha hoose lama qaban doono mid guud oo qof iyo cod ah. Xasan Sheekhna xujada hortaalla waa inuu caasimadda uu joogo ka qabto doorasho dadweyne, si Soomaalidu u aragto inuu qaban karo doorasho guud oo qof iyo cod ah iyo heerkiisa cadaaladda.

Fashilkaan wuxuu sidoo kale jahwareer ku riday siyaasiyiin badan oo u sharaxan hoggaanka maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasi oo illaa maanta aqoonin halka ay doorashada ka xigto iyo xilliga ay dhaceyso toona.



Source link