Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda degmada LUUQ

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan dagaal beeleedka haatan ka socda gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa ugu horreyntii baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya oo uu dagaalkoodu sababay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo suuqii weynaa ee degmadaasi.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in xilligan aan loo baahneyn dagaal dhex mara beelaha walaalaha ah, ayada oo xaalad ag markii hore ka jirtay gobolka.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada luuq iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sanadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhibaatada ka dhalatay colaaddan ay saameyneyo dhinacyada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah ee degan magaalada.

“Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka” ayaa lasii raaciyay.

Axmed Madoobe ayaa dhinac kale digniin u diray ciidamada ku sugan Gedo ee ku biiraya dagaalka, isaga oo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono.

“Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu danbayn madaxweynaha Jubbaland ayaa faray maamulka gobolka Gedo, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa.

Dagaalka Luuq oo shalay soo bilowday ayaa u dhexeeyo labada beelood oo wada dega degmadaasi, wuxuuna sababay khasaare xoogan iyo barakaca dadka deegaanka.



Source link