Axmed Madoobe oo maanta ku safray waddo halis ah + Ujeedka

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku safray wadada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

Wadadan oo dhawaan ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland isku fureen, kana sifeeyeen Shabaab-kii ku sugnaa ayaa maanta waxaa maray Axmed Madoobe booqasho ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay bartamaha Magaalada isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardar-galinta howl-galada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo ciidamada xooga dalka, kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Maalin kahor ayey aheyd markii uu madaxweynaha Jubbaland booqasho ku tegay deegaanka Buulo-xaaji oo uu dhawaan ka dhacay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab, isaggo dhiirogeliyay ciidamada ku sugan halkaas ee jilibka u dhigay dagaal-yahaanada kooxda ee weerarka soo qaaday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana xubno isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib looga dilay dagaalladii ka dhacay Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda ay la kulantay arrin aysan fileyn oo u horseeday guul darro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda ay hadda qorsheyneyso aar-gudasho, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo diyaar garoobo si ka duwan sidii hore.

Sidoo kale wuxuu hoggaamiyaha Jubbaland dalacsiiyay ciidamadii guusha keenay, isaggoo bilado geesinimo ah guddoonsiiyay saraakiishii ku hoggaamisay dagaalladii adkaa ee ay la galeen maleeshiyaadkii la laayay ee kooxda Al-Shabaab.



Source link