Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil katirsan ciidamada ATMIS (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha qeybta labaad ee Ciidamada ATMIS Brigadier Seif Salim Rashid iyo masuuliyiin kale oo katırsan howlgalka ATMIS

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii ciidamada ATMIS ay uga qeyqaadan lahayeen howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland oo guulo muuqda ka gaaray xoreeynta deegaano kala duwan oo katirsan Jubaland maalmahii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u sheegay saraakiisha ATMIS in guulo ka gaareen dagaalka ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna ka codsaday saraakiisha ATMIS in dagaalka gacan ku siiyaan.

Ciidamada kumaandooska ee Danab oo garab ka helaya kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa dhawaan Al Shabaab kala wareegay deegaanno ay horey ugu sugnaayeen Al Shabaab.




Source link