ATMIS oo ciidanka Xoogga dalka ku wareejisay Saldhiga furinta ee Orhasan (Sawirro)

Posted on

Saraakiil sarsare oo ka kala socday #ATMIS, UNSOS, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Talaadadii kormeeray Saldhiga furinta hore ee Orhasan ee magaalada Beledweyne ka hor inta aan lagu wareejin Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya.

Wafdigan oo ay hogaaminayeen Madaxa Sahayda ee ATMIS Gaashaanle Sare Maxamuud Xasan iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka XDS ee Gobolka Hiiraan, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Xasan, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxa Xarunta ATMIS ee Hawlgalka Wadajirka ah Maxmillian Oketch & Santosh Koka oo ah Xubin ka tirsan Unugyada Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS.

Saldhigga Orhasan, oo hoos taga taliska ciidamada Jabuuti tan iyo 2011, ayaa istaraatiiji u ah dagaalka lagula jira Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan ee. Ku sugan Hiiraan.

Wareejintan ayaa qayb ka ah wejiga sadexaad ee dhimista ciidamada, sida ku cad Qaraarrada Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay #UNSC 2628 (2022), 2670 (2022), & 2710 (2023) ee in 4,000 oo askari oo ATMIS ah laga saaro Somalia ilaa dhamaadka bisha June 2024.

Source link