Askar u dhalatay dalka Sri Lanka oo lagu dilay dagaal ka dhacay dalka Ukraine

Posted on




Dagaalka ka socda dalka Ukraine waxaa ka qeyb galaya askar iyo rag kale oo kasoo jeeda dalal kala duwan ,kuwaa oo dagaalka ku kala wehliya ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka uu dagaalku u dhaxeeyo.

War kasoo baxay dowladad Sri Lanka ayaa lagu xaqiijiyay in sideed askari oo horey uga tirsanaa ciidamada milatariga dalkaasi lagu dilay gudaha Ukraine, xilli ay askartaasi horey ka qeyb galayeen dagaalka dalkaasi ka socda.

Askartan hore ee kasoo jeeda dalka Sri Lanka ayaa ku dhintay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Ukarine iyo kuwa Ruushka, waxaa sidoo kale dagaalkan ku dhaawacmay askar kale oo isla dalkaasi kasoo jeeda.

Afhayeen u hadlay booliska dalka Sri Lanka ayaa sheegay inay hayaan warar sheegaya in ka badan siddeetan askari oo hore uga tirsanaan jiray milateriga loo qoray kooxo calooshood u shaqeystayaal ah.

Askar hore iyo rag kale oo calooshood u shaqeestayaal ah ayaa ka qeyb galaya dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxa ayna kooxahaan u dagaallamayaan labada ciidan ee is haya iyaga oo dhaqaalre ku helaya dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link