Askar katirsan ciidanka Booliiska oo xifdisay Qur’aanka Kariimka oo la dalacsiiyay (Sawirro)

Posted on

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa dallacsiiyay tiro askar  ah oo katirsan ciidanka booliiska , kuwaa oo la sheegay in ay xifdiyeen Qur’aanka Kariimka sidaasna lagu dallacsiiyay.

Ciidanka booliiska ayaa horey loogu dallacsiin jiray shahaadada maadiga ah ay heestaan iyo shaqo wannaaga, hasa ahaatee taliska ciidanka booliiska ayaa soo kordhiyay in la dallacsiiyo askarta Qur’aanka Kariimka xifdisan.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaana soo kordhiyay go’aankan cusub ee lagu dallacsiinayo askarta xifdisan Qur’aanka Kariimka, si askartaasi loogu dhiiragaliyo barashadooda diinta iyo Qur’aamka.

Taliyaha hoggaanka kormeerka ciidanka booliiska ahna ku simaha Taliyaha ciidanka booliiska  S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhagacaleen) ayaa maanta dhiirigalin ugu tagay ciidankan xifdiyay Qur’aanka ee dhawaan la dallacsiiyey.

Tallaabadan lagu dhiirigalinayo laguna dallacsiinayo ciidanka soo bartay diinta ayaa dadka qaar si weyn usoo dhaweeyeen, waxaana markii hore askarta kaliya lagu dallacsiin jiray shahaadada maadiga gaar ahaan dugsiga sare iyo jaamacadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link