Askar iyo sarkaal muhiim ah oo ATMIS looga dilay weerar ay fulisay kooxda Al-Shabaab

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in laba askari ay uga dhinteen, askar kalena ay uga dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada nooca rimuudka laga hago ayaa lala beegsaday kolonyo iskugu jirtay ciidamada Uganda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo marayey jidka isku xira Muqdisho ilaa degmada Baraawe.

Qaraxaas ayaa dhacay shalay, wuxuuna haleelay ciidanka ATMIS oo waxaba ma gaarin ciidanka xoogga dalka oo qeyb ka ahaa kolonyada ka timid Baraawe ee u socotay Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu xaqiijiyey weerarkaas, waxaana lagu sheegay warkaan in dhaawacyadii la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho.

Qoraalka ATMIS laguma sheegin faahfaahinta askarta dhimatay iyo dalka ay ka soo jeedeen.

Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa milatariga Uganda ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan milatariga Uganda uu ku jiro askarta dhimatay, halka 6 askari oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Gaashaanle Patrick Opio Awany ayaa ku dhintay qaraxaas oo ka dhacay tuulada Ceel-Wareegow oo 70 KM Koonfur galbeed ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay Ibrahim Kasule Sekitto, oo ah afhayeenka u hadlay UPDF.

Afhayeanka u hadlay mikatariga Uganda ayaa weerarka ku eedeeyey inay gaysteen Khawaarijta Al-Shabaab, ciidanka la weerar ayaa laga soo bedelay Sh/Hoose, waxayna u socdeen Muqdisho.



Source link