Askar dishay sarkaal ciidan oo maanta xukun adag lagu riday

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag kasoo saartay kiiska sarkaal ciidan oo la dilay, falkaasi oo dhacay habeen ku tariikheysan 16-ka bisha 2 ee sanadkaan.

Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi (Musiibo Qaran), Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac “oo maqane ah” iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka) “oo maqane ah”, ayaa lagu soo eedeeyey jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay dhimashada ex-labo xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Marxuumka iyo mid kamid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley

Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo xabad ku dhuftay marxuumka, isaggoona ka qaatay bistooladii uu watay.

Hay’addaha ammaanka oo ku raad-joogay eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable Asluub Maxamed Musiibo Qaran 14-kii bishii April ee sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka).

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 10-kii bishaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay;

1- Maxamed Axmed Cabdi (Musiibo Qaran) dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan.

Halka Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka) oo labaduba maqane ah ay maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.



Source link