Arrin aan la fileyn oo kasoo korortay kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo ujeedkiisu ahaa maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo dacwad culus ay kusoo oogtay xeer-ilaalinta Somaliland.

Kiiska Maxamed Abiib ayaa waxaa kasoo kordhay arrin aan la fileyn, kadib markii soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud uu ka horyimid guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada.

Warbixin lala wadaagay xildhibaannada, sidoo kalena loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu shaaciyay go’aankka guddiga, waxaana lagu sheegay in soo jeedinta xeer ilaaliyaha ee ku aadan maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ay tahay mid sharci darro ah.

“Haddaba guddidu iyada oo ka duuleyso asbaabaha kor ku xusay waxay golaha wakiilada u xaqiijineysaa in soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Mudane Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac ay tahay mid aan sharci ahayn isla markaana ay ka hor imaaneyso mas’uuliyadda xil-gudasho ee mudanayaasha ee ku tilmaaman dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer.lr.01/2021″ ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga golaha wakiilada ee maamulka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale xubnaha golaha wakiilada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan arrintan, isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud.

“Sidaas aawgeed waxaannu mudanayaasha golaha usoo jeedineynaa inay nagu raacaan isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud” ayaa lasii raaciyay.

Intaas kadib guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa soo xiray fadhigii aan caadiga ahayn ee guluhu u balansanaa in go’aan lagaga gaadho dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib kadib markii uu goluhu buuxsami waayay kooram la’aan, waxaana lagu ballamay inay dooddu halkeeda kasii soconeyso.

Abiib oo haatan ku sugan Boorama ayaa xeer-ilaalinti waxa ay u heysataa eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Sidoo kale Xildhibaan ayaa horay u tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May ee sanadkan, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

 



Source link