AQALKA SARE oo ku dhegan madaxda maamul goboleedyada + Video

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Senator Iftin Xasan Baasto oo laga soo doorto Jubbaland oo maanta hadal ka jeediyay kulanka Golaha Aqalka Sare ayaa weerar culus ku qaaday hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka, isagoo u jeediyay eedeymo culus.

Iftin Baasto ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay noqdeen caqabadda koowaad ee dalka, isla markaana ay hortaagan yihiin horumarka shacabkooda.

Senatorka ayaa tusaale usoo qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay ku hagrdeen madaxweyne Xasan oo safka hore uga jiro hoggaaminta dagaalkaasi.

“Ilaa hadda ma hayno madaxweyne dowlad goboleed ummaddii uu xukumayay oo uu horjoogay inuu soo hor istaago hoggaamiyo kaalintii iyo doorkii uu lahaa uu ka qaato. Igu sawir mid meel meel u tago waa laga yaabaa” ayuu yiri Senator Iftin Xasa  Baasto.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay caqabad ku yihiin ciidamada qaranka Soomaaliya oo ah ciidamadii naftooda u hurayay inay saacad kasta la daba taagan yihiin caqabad iyo ceebeyn”.

Senator Iftin Baasto oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dowlad goboleed kasto, si looga wax looga qabto caqabadaha jira.

Madaxda dowlad goboleedyada in caqabadda ugu wayn dalka yih ay yihiin, isla xisaabtana ay u baahan yihiin” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Waxaa kale oo uu farriin u diray Golaha uu ka tirsan yahay ee Aqalka Sare oo uu ugu baaqay inuu qaatay kaalintiisa, uuna la xisaabtan la yeesho maamullada dalka.

“Runtii Aqalka Sare waxaa looga baahan yahay inaan la xisaabtan dhab ah kor-joogteyn joogto ah oo laga baqin la yiraahdo war shalay waxaan ummadda kuu dhiibatay Ilaahey uguma aanan baqin caqabadaa ku tahay ee ka daa dhibaatada shacabka” ayuu yiri Iftin.



Source link