Kismaayo (Wararka Maanta) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorshesan oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, isla markaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku sugnaa dhulka hawdka ah ee gobolkaasi.
Howlgallada oo ahaa mid qorsheysan ayaa gaar ah uga dhacay inta u dhexyesa deegaanada Cag Libaax iyo Orgiyoow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jubbalnd ayaa howlgal jab lagu gaarsiiyay Khawaaeijta kasameeyay Gobolka Jubbada Hoose. Dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo degaanka Cag Libaax iyo Orgiyoow oo ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin tiradooda, waxayna sidoo kale intaasi ku dartay laga soo furtay saanad ciidan iyo mootada nooca Sadax lugooleeyda ah oo ay ku qaadayeen dhaawacyo
“Ciidanka ayaa dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta iyagoona kasoo furtay Mootada nooca Sadax lugooleeyda ah oo ay dhaawacyo ku qaadayeen iyo saanad kale oo ciidan” ayaa mar kale la sii raaciyay warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Xaaladda deegaannada howlgallada laga sameeyay ayaa kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladdu.
Jubbooyinka ayaa waxaa maalmahan oo dhan ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi, waxaana la saaray deegaano ku yaalla halkaasi.