Al-Shabaab lagu beegsaday goob ay isku diyaarinayeen iyo taliska xoogga oo…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta oo Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ay iska kaashadeen ayaa galabta ka dhacay Koofurta Gobalka Mudug, gaar ahaan deegaano hoos taga degmada Xarardheere, waxaana howlgalkas lagu beegsaday goobo ay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab isku uruursanayeen.

Sida ay Wararka Maanta u sheegeen saraakiil ka tirsan taliska ciidanka xoogga dalka, Khasaare xoog leh ayaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalkaas oo loo adeegsaday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka, inkastoo aysan soo bandhigin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha la gaarsiiyey kooxda.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlaayay taageerada ciidamada qalabka sida, waxaana shirkaan diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa garab istaagga Ciidamada Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxidiin, La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin Maxamuud, kusimaha Taliyaha Booliska ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) madaxda UNSOS, Taliyaha Ciidamada ATMS, Safiirada UK iyo Mareykanka ee Soomaaliya iyo madax kale.

La-taliyaha Amniga Qaranka iyo madaxda kale ee Ciidamada qalabka Sida oo kulankaan khudbado ka jeediyay ayaa dul-istaagay sida hagar la’aanta ah ee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed looga caawiyay taageerada saadka iyo tababarada.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socda Ururka Bariga iyo Bartmaha Afrika oo aan xubin ka nahay.

Ujeedada safarka wafdiga ayaa ahaa is dhexgal iyo sidii ay Soomaaliya warbixin uga siin lahaayeen shaqada Guddiga Difaaca ee Ururka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo Soomaaliya door muhiim ah ka qaadan doonto iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Difaaca.

Wasiir Cumar ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dardargalin doonaan hawlaha muhiimka ah ee Ururka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

 



Source link