Afrika oo dalab xasaasi ah geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey

Posted on

New York (Wararka Maanta) – Dalka Nigeria ayaa ku biiray baaqyada isa soo taraya ee ka soo yeerayaya madaxda Afrikaanka ah ee joogta shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Baaqyadaas ayaa lagu dalbanayaa in isbedel deg deg ah lagu sameeyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana talada wax laga siiyo madaxda dalalka Afrika.

Afrika ayaa muddo dheer ku baaqeysay in matalaad joogto ah ay ka hesho golaha ammaanka ee ugu sarreeya adduunka.

Wasiirka gaashaandhigga Nigeria oo khudbad ka jeedinayay wadahadal gaar ah oo is-dhexgal ah oo ka dhacay shir-madaxeedka, ayaa sheegay in dib u habeyntu ay kor u qaadi doonto ka qayb galka iyo qotodheereynta nabadda iyo ammaanka adduunka.

Horay madax badan oo Afrikaan ayaa sidaan oo kale dalabkaan culus ugu soo bandhigtay shirarka golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, balse dheg jalaq looma siin.

Shirka lagu soo bandhigay dalabkaan hadal-heynta abuuray waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jeediyey khudbad dheer, inkastoo uusan ka hadlin arrintaan ay Afrika dalbaneyso.

Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa Soomaaliya ka socda ayaa weli ku sugan New York, halkaas oo kulamo doceedyo uu la qaadanayo madaxda caalamka uu ka wado, taasi oo fursad weyn u ah Soomaaliya oo dunida ka gadeysa qorshaheeda diblomaasiyadeed ee damaca Itoobiya.



Source link