Afhayeenka BOOLISKA oo raalli-gelin ka bixiyay gefkii uu gaystay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aada Xasan oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa raalligelin buuxda ka bixiyay gef uu dhowaan u gaystay Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo sababay in warbaahinta joojiso wada shaqeyntii Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraalkiisa ku raalli-geliyay Wariyeyaasha Muqdisho, gaar ahaan wardoonayaasha ooisaga tabasho ka keenay, una gudbiyay taliska Booliska.

“Waxaan raalli-galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeeenka ciidanka Booliska.

Arrintan ayaa sidoo kale ku timid kadib kulamo dhex-maray labada dhinac oo la’iskula gartay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii warbaahinta iyo booliska.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waxaan raalli galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed.

Warbaahintu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dalka jiheeya waxayna door muuqda ka qaadtaan nabadda iyo baraarujinta bulshada,Sidaas awgeed waxaa bogaadinayaa doorkoodaas islamarkaana ugu baaqay inay sii laba jibaaraan howsha baaxadda leh ee dadka iyo dalka u hayaan.

Kulama noo Socdey Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaan ku lafa gurney wixii Qaladaad ah ee jirey  waxaana ugu mahadcelinayaa  sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen inay Lashaqeeyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  .tabashadoodina wax laga qabtey  intii karaankeena aheyd ,

Guddiga Wariyayaasha matalaayey ayaa dhankooda aqbalay raalli-galinta waxayna ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta

Wada Shaqeyn wacan



Source link