Afar nin oo qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay illaa 4 nin oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, isla markaana ay wadeen qaraxyo xilliga gacanta lagu soo dhigayay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay howlgalkan, waxaana lagu sheeegay in ragga lasoo qabtay ay wadeen miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah es Soomaaliya.

Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in raggan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayna ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

Ciidamada dowladda ayaa haatan kordhiyay howlgallada amni xaqiijinta ee ay ka wadaan gudaha caasimada, si looga hortago cabsi laga qabo weeraro ay mar kale Al-Shabaab ka fuliso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa kooxda weerar ku billowday qaraxyo ka fulisay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu laayay dad u badan shacab, waxaana haatan soo baxaya digniino kale oo ku aadan weeraro kale oo ka dhici kara gudaha caasimada.



Source link