ABIY oo si yaab leh ugu hanjabay Soomaaliya iyo Masar iyo waxa laga filan karo

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo saaray hadal u muuqda hanjabaad ku socoto Soomaaliya iyo Masar, oo dhawaan dhinaca isa-saaray.

Itoobiya iyo Masar oo ay ka dhaxeyso cadaawad salka ku haysa biyo xireenka webiga Niilka ayaa xilligaan waxay heshiis difaac wada saxiixdeen Soomaaliya, iyada oo uu socdo qorshe ciidamada Masar lagu keenayo gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in uusan dalkiisa ku duulin waddan kale balse haddii la isku dayo in lasoo weeraro ay iska difaaci doonnaan, ayna taas diyaar u yihiin marwalba.

Sidoo kale waxa uu dadkiisa ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo, taasi oo muujineysa in uu ku gubaabinayo dagaal, xilli laga cabsi qabo Soomaaliya inay noqoto furinta dagaal ee Masar iyo Itoobiya.

“Itoobiya waligeed dal kale kuma duulin balse kuwa nagu soo duulay waligood guul nagama gaarin, waxa aan iska difaacnay kuwa halista ku ah qarannimadeena,” ayuu yiri Abiy farriin cusub oo uu saaray.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu diiday la kulanka Abiy oo billowgii sanadkaan Somaliland la gaaray is-afgarad xad-gudub ku ah midnimada dalka.

Sidoo kale wuxuu imaanaya xilli madaxda dowladda Itoobiya ay saacadihii lasoo dhaafay fariimo kala duwan jeediyeen, kuwaas oo intooda badan laga dheehan karaa “diyaargarow dagaal” iyagoo intq badan ku cel-celiyeen isticmaalka ereyga “cadowga”.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sugayaa in ay jawaab ka bixiso hadallada qalafsan ee kasoo yeeraya madaxda Itoobiya, xilli labada dhinac bartamaha bishaan u ballansan yihiin wada-hadal uu Turkiga garwadeen ka yahay.



Source link