dal carbeed oo soo riday qaar ka mid ah dayuuradihii Iran ku weerartay Israel

Posted on

Dayuuradaha Jordan ayaa soo ridey daraasiin diyaaradeed oo Iran ay leedahay oo ku sii jeeday Israa’iil: Warbixin

Reuters, oo soo xiganeysa laba “ilaalaha amniga gobolka”, ayaa ku warameysa in diyaaradaha Jordan ay soo rideen daraasiin diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran ah oo ku socdaalayay waqooyiga iyo bartamaha Urdun kuna sii jeeday Israa’iil.

Ilo wareedka ayaa sheegay in diyaaradan lagu soo riday dhanka hawada dalka Urdun ee dooxada Urdun, waxaana ay ku sii jeedeen dhanka magaalada Qudus.

Kuwo kale ayaa lagu qabtay meel u dhow xadka Ciraaq iyo Suuriya. Faah-faahin intaas dhaafsiisan ma aysan bixin.

Hadii ay xiisaddani sii socoto Ilaa Isniinta,  dunida Ninkii xoog leh baa reerka u haraya, sida ay ku waramayaan quburada taxliilineysa xiisaddan cusub ee caawa dunida ka bilaabatay.

Iran waxa ay sheegtay, in tilaabo kasta mida ku xigtaa ka xanuun badnaan doonto tii hore, duqeymaheeduna ay socon doonaan Axadda oo dhan, waxeyna Mareykanka ugu baaqday inuu dib uga joogsado ciyaartan, oo ay Iran ku tilmaamtay iney tahay mid u dhexeysa iyada iyo Israel.

Source link