Fahad oo shaaciyay 5 cashir oo ku jira natiijada doorashada Somaliland

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sidroonka qaranka, haddana ah siyaasi dibad joog ah ayaa war xasaasi ay kasoo saaray natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland oo uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), sida uu shaaciyay guddiga doorashada maamulkaasi.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Somaliland ay tahay mid taariikhi ah oo laga baran karo cashir ku aadan sida ay shacabka gobollada waqooyi usoo doorteen hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu soo saaray 5 qodob oo uu ku cabiray qaan gaarnimada ay Somaliland ka gaartay doorashada iyo natiijada soo baxday, sida ay shacab iyo maamulba ugu qanceen.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐚𝐫𝐫𝐨 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝;

1. Siyaasadda han iyo hoggaan bey ku bulaashaa, saadaal wacan iyo sabir baana yoolkeeda looga gungaaraa. Tusaale waxaa u ah Mudane Cabdiraxman Cirro.

2. Xisbiyada soo baxay waxay marag u yihiin in siyaasaddii Somaliland uu jiil cusub dhaxlayo, odayaashii hore iyo kuwii dhexe labadaba, waxaa ugu dambeeya Madaxweyne Cirro.

3. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Alle ha u naxariistee, waa Ustaadka siyaasada Somaliland, waayo jiilka cusub ee dhaxlay siyaasadda waa ardaydii kasoo aflaxday dugsigii siyaasadda Siilaanyo.

4. Mudane Cirro guushiisa waxay ku qurxanayd inuu Siilaayo dhaxlo. Horumar iyo hiigsi sare ayuu gaarsiin lahaa Somaliland. Nasiib darro, wuxuu dhaxlay Muuse Biixi oo uga tagaya masas iyo musiibooyin in la saxaa ay Cirro ka cuni doonto kala bar wax ka badan muddo xileedkiisa.

5. Mudane Cirro, hab xukunkiisa kama duwanaan doono hab xukunkii Madaxweyne Daahir Riyaale. Haddii Riyaale isticmaalay tabihii sirdoonka, Cirro wuxuu isticmaali doonaa ilbaxnimo diblomaasiyadeed.



Source link