Haweeney 14 sano oo Muqdisho ku keydi jirtay qaraxyada iyo gabdho badan oo lasoo qabtay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Caasho Cabdullahi Maxamed oo 14 sano ka tirsaneed Al-Shabaab ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxay Shabaab u qaabilsaneed keydinta iyo kala gudbinta Qaraxyada.

Sidoo kale ku dhowaad 10 gabdhood oo ahaa xaasaskii Al-Shabaab ayaa maanta Caasho lala keenay Maxkamadda, kuwaas oo guddoomiye Shuute uu toos u weydiiyey su’aalo lala yaabay sida ay uga jawaabeen.

Gabdhahaan oo intooda badan ka yimid deegaanada Koonfur Galbeed ayaa laga qabtay busteejooyinka Muqdisho, waxayna u socdeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo haasaawe ama shukaansi dheer kadib ku qanciyey inay ugu tagaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Arrinta lala yaabay waa in gabdhahaani aysan garaneyn ragga ay u socdeen, balse ay ku dhiiradeen inay gaari raacaan oo duurka ugu tagaan, gabdhaha qaar waxaa bixiyey waalidkood, waana arrin murugo leh oo ka yaabisay dadka.

Caasho oo aheyd haweeneyda ugu weyn hablihii maanta lasoo taagay maxkamadda ayaa sheegtay in Muqdisho ay joogi jirtay, isla markaana ay ka ganacsa jirtay Qudaarta, iyadoo shaqadeeda Shabaabnimada ku dhex wada jirtay.

Lacag dhan $120 ayey Shabaab ugu shaqey jirtay Caasho, waxayna keydi jirtay oo kala gudbi jirtay qaraxyada, waxaana kiiskeeda ka sheekeeyey xeer ilaalinta.

14 sano oo Muqdisho ay isku dhex qarineysay kadib waxaa kashifay wiil ay Shabaab u qorsheeyeen inuu is qarxiyo, balse isku dhiibay ciidanka dowladda, kaas oo sheegay Caasho inay tahay keyd hayaha Al-Shabaab.

Rag badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay qiratay inay soo guursatay oo caruur badan u dhashay, iyadoo sheegtay in caruurteedii ay jiraan gudaha Al-Shabaab oo aabahood oo Amiir ah uu heysto.

Hoos ka daawo maxkamadeynta haweenkaas



Source link