Taliye Odowaa oo xilka la wareegay iyo arrin culus oo hortaalla

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) — Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xillka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, islamarkaana ay xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii aas-aasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd.

Taliyaha cusub ayuu ra’iisul wasaaraha sheegay in laga doonayo dardar-gelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo kooxaha argigixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya.

Mudan Xamza ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii xukuumaddan ay jirtay oo ay markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo kamid yihiin;

  1. Qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay.
  2. Ku biirista bulshada bariga Afrika.
  3. Xubinnimada golaha ammaanka Qaramada Midoobay.










Source link