Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yusuuf Raage ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mariwaaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.
Xamza ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday arrinta Jubbaland oo hadda gaartay meeshii ugu xumeyd, maadaama uu Axmed Madoobe qabsanayo doorasho dadban.
Ra’iisul wasaaraha oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland ayaa maanta afka furtay, wuxuuna duray Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu isku caano shubo.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hoggaamiyaha maamul goboleedka Jubbaland uu ka shaqeynayo qorshe lagu ridayo xukuumadda Dan-qaran, sida uu hadalka u dhigay Xamza.
“Hoggaanka Jubbaland wuxuu rabaa inuu isku caano shubo iyo in la isku dayo in la rido Xukuumadda Dan Qaran” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““Madaxweyne Axmed Madoobe ma uu haysto sharciyad uu ku maamulo Jubbaland waxaana uga digayaa inuu adeegsado awood Ciidan”.
Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa farriin u diray shacabka Jubbaland, oo oo ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda, sidoo kale wuxuu faray ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda, ee ay diiradda saaraan howlgallada iyo xoreynta deegaannada Jubbaland.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay ka socdaan abaabulkii ugu dambeeyay ee doorashada maamulkaasi, taas oo ay si weyn uga biyo diidan tahay dowladda federaalka, maadaama Axmed Madoobe uu doonayo inuu qabsado doorasho gaar ah.