Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqii magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay jadwalka doorashada Jubbaland.
Taabit ayaa shaaca ka qaaday inuu boggaadiyay tallaabada uu qaaday guddiga doorashada Jubbaland, isaga oo u rajeeyay guul ku aadan doorashada ay u dhaqaaqeen.
“Dani waa seeto. Waxaan boggaadinayaa jadwalka doorashada ee #Jubbaland, waxaana u rajeynayaa nabad iyo guul” ayaa ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiye hore Taabit.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray maamullada kale ee oo ugu baaqay inay aadaan doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka.
“Koonfur Galbeed, GalMudug iyo HirShabeelle waxaa u furan oo kaliya inay sharciga u soo laabtaan inta aan berri iyagoo uur-ku-jirayaal ah loo shirin ama laga shirin” ayuu ku daray.
Wxaa kale oo uu baaq u diray madaxda dowladda dhexe oo uu ka dalbaday inay kusoo laataan xeyndaabka sharciga, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo horleh.
“Madaxda DFS waxaan ugu baaqayaa inay xayndaabka sharciga ku soo noqdaan iyo ku dhaqanka dastuurka JFS” ayuu mar kale yiri Taabit Cabdi Maxamed.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doorashada madaxweynaha Jubbaland loo asteeyay 25-ka bishaan November, sida ku cad jadwalka xalay soo baxay.
18 ilaa 19 isla bishaan ayaa sidoo kale lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland