Jadwalka doorashada Jubaland oo la shaaciyey

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Guddiga doorashada Jubbaland ayaa xalay soo saaray jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la qabanayaa 25-ka bishaan November, sida ku cad jadwalka caawa soo baxay.

18 ilaa 19 bishaan ayaa lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland.

20-ka bisha ayaa la shaaciyey in la qabanayo codsiyada musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishaan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, isla markaana la gudagalo doorashada.

21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishaan.

Ugu dambeyntii 25-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, taasi oo ka dhigan in 9 cisho kadib la dooranayo Madaxweynaha Jubbaland ee 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadaan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka.

Xiisad culus oo ka dhalatay doorashadaan ayaa ka dhextaagan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, waxaana suurtagal ah in xiisadaan ay gaarto gacan ka hadal.



Source link