Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddiga kumeel-gaarka ah ee labada Gole ugu xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada/axsaabta iyo sharciga dhisida guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa xalay magaaladda Muqdisho ku qabtay kulan.
Kulankaan oo ahaa la-tashiga qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ururada siyaasadda ee hindisaha ee xeerka ururada iyo xisbiyadda siyaasadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoonka iyo xubnaha guddiga iyo sidoo kale wakiilo ka socday xisbiyadda siyaasadeed ee dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ay ku jiraan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Sudoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa cilmi baarayaal daraasado ka sameeyay nidaamka axsaabta iyo sida ay dalka uga suurtageli karto, xilli uu socda qorshaha dalka looga hirgelinayo doorasho qof iyo cod.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn furay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo sheegay in muhiimadda kulanka uu yahay in hindisahan la tashi lagala sameeyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso.
Intaasi kadib ka qeyb-galayaasha kulanka oo goobta ka hadlay ayaa fikirkooda ka dhiibtay hindisahan iyo muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof cod ah taasoo shacabka Soomaaliyeed u suurtagelin karta in ay hogaankooda doortaan.
Kulankaan oo saacado qaatay ayaa ugu dambeyntiina waxaa soo xiray guddoomiyaha guddiga KMG ee labada gole ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada/axsaabta iyo sharciga dhisida guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.
Guddoomiyaha ayaa halkaasi ka sheegay in doodaha iyo fikradaha ka qeyb-galayaasha aysoo jeediyeen inta kulanka uu socday ay wax badan ku kordhin doonto shaqada uu guddiga hayo ayna tixgelin doonaan.