Muuse Biixi iyo wakiilada caalamka oo maanta kulmay + Ujeedka

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid wakiilada caalamka.

Wakiilada uu Muuse Biixi la kulmay ayaa waxay kala yihiin safiirada dalalka, Uk, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo goob-joogayaal ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday Somaliland.

Waxay dhammaantood ka markhaati kaceen sida waayo aragnimada leh ee ay shacabka u muujiyeen hannaanka dimuquraadiga ah ee ay u dhacday doorashadii shalay ay u dareereen shacbiga Somaliland.

Doorashada shalay ayaa waxaa loogu codaynayay axsaabta ururada, saddexda xisbi qaran iyo murashixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka shanta sanno ee soo socota.

Waxay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada reer Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi bisil oo ay tahay inay wax ka bartaan dalalka Afrika iyo caalamkuba, sida nabad-gelyada iyo waayo aragnimada leh ee ay u dhiibteen codkooda.

Mudane Biixi ayaa waxa kulankan ku wehlinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd iyo Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Marwo Adna Aadan.

Dhinaca safiiradda iyo dublamaasiyiintuna waxay kala ahaayeen, safiirka dalka UK Amb. Mike Nithavrianakis iyo diblumaasi Ilyas Malek, safiirka dalalka Midowga Yurub Amb. Karin Johanson iyo diblumaasi Thomas Kieler, safiirka dalka Denmark Amb. Steen Sonne Andersen iyo safiir ku’xigeenkiisa Amb Gertrud Birk, Safiirka Sweden Amb. Joachim Waern iyo diblumaasi Johan Svenson, safiirka dalka Switzerland Amb. Mirko Giuletti iyo diblamaasi Natalie Frei.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa safiirka dalka Norway Einar Rystad iyo diblumaasi Narve Rotwitt, Safiir ku xigeenka dalka Czech Republic Amb. Miroslav Balint, Safiirka Dlaka France Lucile Carrez iyo diblumaasi Mohamed Sahardiid Raage oo ah la-taliyaha arrimaha ganacsiga.



Source link