Wararkii ugu dambeeyay natiijada doorashada SOMALILAND – Yaa ku horreeya?

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in weli ay socoto tirinta codadka doorashadii shalay ka dhacday deegaannada maamulkaasi, taas oo si weyn loo sugayo natiijadeeda.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay shacabka Somaliland oo soo dooranayo madaxweynaa cusub ee maamulkaasi.

Saddexda xisbi ee Somaliland Kulmiye, Wadani iyo UCID ayaa ku tartamaya doorashadan, waxaana u kala sharaxan Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in natiijada hordhaca ah ee illaa iyo hadda la helay uu ku horreeyo musharaxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo haysta in ka badan 60% codadka la dhiibtay, halka uu kaalinta 2-aad ku jiro madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi oo ka socda xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale ururada siyaasadda Kaah iyo Horseed ayaa iyaguna natiijo wanaagsan ka ka helay codadkii la dhiibtay, waana laba urur oo ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliland.

Weli waxaa sii soconaya tirinta codadka, waxaana go’aanka ugu dambeeyay ee natiijada doorashada laga sugayaa guddiga doorashada Somaliland oo haatan haya shaqo adag.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxi doonto laba maalmood gudahood.

“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.

Si kastaba, Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland.



Source link