Goorta lasoo saarayo natiijada doorashada Somaliland oo la shaaciyey

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) –Dadweynaha Somaliland ayaa saakay u dareeray doorasho is huwan oo si weyn isha loogu hayo, taasi oo soo idlaaneysa caawa fiidka hore, xilka Madaxweynaha waxaa u tartamaya Muuse oo ka socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo ka socda Xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda xisbiga Ucid.

Sidoo kale waxaa jira ilaa toddobo urur siyaasadeed oo kale oo u tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen saddexda xisbi ee la doonayo in ay ka soo baxaan doorashadaan Xisbiyada, si ay sal ugu noqdaan jaangoynta arrimaha Somaliland.

Dadka ayaa xilli hore sii tagay goobaha codka laga dhiibanayo, waxaana qaar ka mid ah ay warbaahinta u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin codeyntaan, isla markaana muddo ay sugayeen in madaxdooda ay soo doortaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxi doonto laba maalmood gudahood.

Markii natiijada degmooyinka ay soo baxdo waxaa loo gudbayaa heer gobol, kadiba ilaa xarunta dhexe ee guddiga.

“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse oo la hadlay Idaacadda BBC.

Toddobadaas cisho halka ay wax marayaan waxaa lagala soconayaa warbaahinta, sida uu guddigu ka balan qaaday shacabka Somaliland.

Murashaxiinta Madaxweynaha ee tartamaya oo hadlay ayaa cadeeyey in ay aqbali doonaan markii ay soo baxdo natiijada doorashada.

Dadweynaha codkooda dhiibanaya waxay rajeynayaan horumar, waxayna ku taamayaan inay soo doortaan madax ku hoggaamisa fursado waxbarasho, caafimaad, biyaha nadiif ah iyo baahiyo kale oo ka jira Somaliland.



Source link