Muqdisho (Wararka Maanta) – Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa shir guddoomisay kulanka wadajirka ee labada Aqal.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta labaad ee hindisaha xeerka dhisida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee labada Aqalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa mudanayaasha labada Aqal u aqriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindisaha xeerka dhisida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha.
Mudanayaasha labada Aqal ayaa dood ka yeeshay warbixinta guddiga, iyagoo aragtidooda ka dhiibtay qodobada dhismaha guddiga, xubnaha ay ka kooban yihiin, sida lagu soo xulayo iyo sidoo kale ilaalinta qoondada haweenka Soomaaliyeed.
Mudanayaasha labada Aqal ayaa isla gartay muhiimada uu guddigaan u leeyahay qaranka iyo hirgelinta doorashada qof iyo codka ee la filayo in guud ahaan dalka ay ka qabsoonto, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankii maanta.
Kulanka wadajirka ee labada Aqal waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xoosh iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan easaaradda.
Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiga wadajirka ee labada Aqal laga doonayo iney soo diyaariyaan warbixinta akhrinta saddexaad, islamarkaana talooyinka mudanayaasha baarlamaanka ku soo daraan dibna golaha ugu soo celiyaan.
Dhinaca kale, waxaa kulankii maanta lagu dhaariyay Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo dhowaan loo doortay kamid noqoshada Golaha Aqalka Sare, wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda qorsheynta Axmed Nuur Sheekh iyo weliba wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare Cabdirashiid Maxamed Ducaale.