Wasiirka amniga iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka amniga gudaha XFS Cabdullaahi Fartaag ayaa kulan lagu xoojinayo amniga la yeeshay ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amnig iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Intii kulanku socday labada masuul ayaq waxay isla soo qaadeen istiraatiijiyadda lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa hey’adaha amniga dalka iyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argigixisada ah ee khatarta ku haya xasilloonida dalka.

James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso amniga, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro yoolalka amniga iyo horumarka waara.

Wasiir Fartaag ayaa dhankiisa xusay muhiimmadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta amniga gudaha iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay bulshada Soomaaliyeed ku horumari karto.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa hore lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.










Source link