Hargeysa (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in saaka dadweynaha ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ay u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada ee maamulkaasi, taas oo ah mid xasaasi ah oo loolan adag loogu jiro.
Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland.
Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.
Madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi Cabdi oo goordhoweyd dhiibtay codkiisa ayaa ballan qaaday inuu aqbali natiijada doorashada, haddii xittaa looga guuleysto.
Dhankiisa musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo aad ula loolamayo Muuse Biixi ayaa ku baaqay in la aqbalo natiikada doorashada, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isaga ku guuleysan xilka madaxweynaha ee maamulka Somalilad.
Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ififaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka.
Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gebi ahaan bandow lagu soo rogay magaalooyinka waa weyn oo lagu soo daadiyay ciidan sugaya amniga doorashada.
Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland.