Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa muddo dheer ahaa mid jaahwareersan oo cakiran. Saddex xilli ayaa la dhihi karaa waxay ahaayeen kuwii ugu muhimsanaa ee dalka soo mara kadib qaran jabkii dhacay 1991.
1- Soomaaliya oo ka maqneyd fagaarayaasha dowladnimada ee caalamka muddo 10 sanno ah, ayaa la isugu keenay shirkii Carta ee laga ilaaliyey kooxaha hubeysan iyo kuwa awoodda leh, waxaana Carta lagu soo dhisey Dowladdii u horreysey taas oo gudaha dalka ka shaqeyn weydey.
2- Xilliga labaad ee muhimka ah ayaa ahaa dhismihii Dowaldda Federaalka ee hadda taas oo awoodda wax laga siiyey hoggaamiye kooxeedyadii hubeysanaa, kuwaas oo aqoonyarida ka haysa dowladnimada iyo xaaranta ay ku naaxeen u geeysey in ay ka horyimaadaan dowladdii ay ka tirsanaayeen oo ay wasiirada ka ahaayeen, waxaa hoggaamiyaashaas afka ciida u daray Maxaakiimtii Islaamiga ahayd sannadkii 2006, waxaana ay ku kalifeen in ay Baydhabo iska dhiibaan oo ay u tagaan Dowladdii ay mucaaradka ku ahaayeen iyaga oo wasiiro ah. Dowalddii u Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf (aun) waxay awood u isticmaashey maxaakiimtii waxayna dowaldnimada geysey ilaa Villa Somalia, kadib markii uu arkey Madaxeyne Yusuf inuusan sii wadi karin shaqada iyo caqabadaha jira waxa uu si iskiis ah u banneeyey xafiiska waxaana uu is-casiley dhamaadkii 2008.
3- Xilliga saddexaad ayaa ahaa 2011 iyo heshiiskii “Kampala Accord” ee horseedey in muddo sannad ah lagu dhamaystiro dastuurkii qabyada ahaa, dalkana kumeel-gaar looga saaro, in doorashooyinka dalka gudihiisa lagu qabto waxaa si weyn uga faa’ideystey kooxihii qunyar socodka islaamiyiinta ahaa oo horey ugu mashquulsanaa waxbarashada.
Xasan Sheekh Maxamuud oo aan laga aqoon fagaarayaasha siyaasadda ayaa sameystey Xisbi uu ugu magacdaray Nabadda iyo Horumarka (PDP), waxaana dhaq-dhaqaqiisi ololaha doorashada si weyn uga dhex muuqan jirey Xamza Cabdi Barre oo waagaas loogu yeeri jirey Xamza Cabdi Aar.
Doorashadii Xassan Sheekh Maxamuud ee hore 2012, Xamza Cabdi Barre wax fursad xil uu ku qaban karo kama helin, si lamid ah kaadiriintii Xisbiga iyo bahda waxbarashada ay ka soo wadajeedeen ee Xisbiga PDP ka tirsaneyd, waxayna taasi ku noqotey Xamza filan waa in Xasan Sheekh albaabada ka xirto, taasi waxay keentey in uu u wareego dhanka Jubaland oo uu ka soo jeeday, mar danbe waxa uu xil la-taliye ka helay Wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka ka hor inta aan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ugu yeerin in uu noqdo Guddoomyaha Guddiga Doorashooyinka ee Jubaland oo xilligaas si weyn la isugu khilaafsanaa. Xamza waxa uu hoggaamiyey guddigii keenay in dib loo doorto Axmed Madoobe 2019 oo Dowladdii Farmaajo aad uga soo horjeedey waxaana uu la yimid hab cusub oo odoyaasha dhaqanka xujo ku noqotey, “Saddex Xildhibaan ii keen, midkii aan rabno annaga ayaa la baxayna”.
Bilowgii waayaha siyaasaddeed ee Xamza Cabdi
Xamza Cabdi Barre sida aan sheegney ma ahayn qof laga yaqaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya marka laga reebo in uu kamid ahaa ololihii doorashada ee xisbigii PDP kadib markii dib loo raacey taariikhdiisa.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ogsoon dedaalkii Xamza Cabdi ee dib-u-doorashadiisi 2019 ayaa siiyey Xildhibaanka jifidiisa hoose Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda 2022-2026, ka mid noqoshadiisa Golaha Shacabka ma muuqan jihada siyaasadeed ee Xamza inkasta oo la ogaa in uu ka soo baxay madarisada Damul-jadiid.
Mudane Xamza Cabdi Barre, ololihii dib-u-doorashada Xasan Sheekh Maxamuud 2022 ma ahayn xubin fir-fircoon oo ka dhex-muuqata, kama mid noqon kaadiriinta Xisbigii UPD ee beddalay PDP, sidoo kale kama mid ahayn xildhibaanada bareerahooda bannaanka keenay ee garbaha ka taagnaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Kadib guushii Xassan Sheekh ee May 2022 oo meesha laga saarey Madaxweyne ka soo jeeda beesha Daarood, waxaa la isku raacsanaa in Dowladda lagu qaybsadey 4.5, Ra’iisul Wasaaraha waxaa la hubey in uu ka imaanayo Beesha Daarood, waxaana looga fadhiyey qofka xilkaas qaadanaya in uu saamigiisa ka qayb-qaadashada geedi socodka dowladnimadaa la yimaado oo ay dowladda wax ka dhisaan oo garbaha ka istaagaan, si kale haddaan u dhigno in uu helo taageerada beesha Darood.
15 June 2022 waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu garabkiisa taagan yahay Xamza Cabdi Barre u magacaabey ra’iisul wasaare, waxay ahayd markii u horeysey ee Ra’isul Wasaare ka soo jeeda beesha Absame ee ka tirsan beelaha Daaroodka la magacaabo tan iyo markii Dowladda Soomaaliya dib loogu dhisay magaalada Carta sanadkii 2000, waxaana uu noqdey Raysalwasaarihii 11aad ee Dowladda Federaalka.
Xamza Cabdi Barre ma ahayn nin meel dheer laga keenay, waxa uu ka mid ahaa dadka aadka ugu dhaw Madaxwaynaha xilka u magacaabey, marka laga yimaado khibrad yaridiisa dowladnimo iyo fikirka uu ka haystey ee ahayd in uu siyaasadda ugu jiro “Cibaadeysi” uu Jannada ku gelaayo, sida isagu sheegay waxa loo keensadey xafiiska waxay ahayd “sabab” taas oo ahayd in hoos loo dhigo awoodda dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha oo uu noqdo maqaar-saar. Xamza waxa uu noqdey Raysal Wasaarihii saxiixey in xilka uu hayo meesha ka baxo, awooda dalka oo dhan uu yeesho Madaxweynuhu.
Dowladnimadu waa aragtiyo is-diidan in la is-fahamsiiyo oo lagu wada shaqeyn karo. Aragti kala duwan miiska la soo saari karo, haddii gurigaaga inta qof ee kugula nooleyd oo sheekada wadaagteen aad dowladnimada ku soo koobto waxaa lumaya tiir weyn oo Dowladnimada ah, Madaxweynaha la doortey Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu doorbidey in aragti kale oo ka duwan tiisa aysan miiska siyaasadda imaan, waxaana uu noqdey qof meel kasta oo shaqada dowladda ah ka muuqda lana wareegay shaqooyin badan oo golaha xukuumaddu iska lahayd.
Shaqooyinka ugu muhimsan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah hagidda iyo isku-dubaridka shaqooyinka dowladnimada, isku haynta dalka midnimadiisa, kobcinta dhaqaalaha iyo jiheynta arrimaha siyaasadda, mudadii uu xilka hayey Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre dowladiisu waxay ku faantaa in ay gaartey guulo la taaban karo, sidoo kale waxaa taas barbar socdey in ay ku fashilantey wax badan oo muhimad u lahaa dowladnimada koreysa ee dalka.
Dowladda uu Raysalwasaaraha ka yahay Mudane Xamza Barre ayaa noqotey midii ugu musuqa badneyd ee abid dalka soo marta, taas oo aan dhaca hantida dowladda laga xishoon marka la eego ku tumshada sharciga, iibsiga dhulka dowladda Soomaaliyeed leedahay, bixinta qandaraasyada, iyo sida loo boobayo hantida dowladda.
Muddadii uu xafiiska joogey waxaa maamulkiisu uu ku calaamadeysan yahay in dastuurkii lagu heshiiyey oo la isla oggolaa la beddeley, iyada oo nidaamkii awood qaybsiga meesha laga saarey oo laga dhigay Madaxtooyo sida in dalku yeesho Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare awood lahayn oo Madaxweynuhu cayrin karo markuu doono, waxaa laga guuray nidaamkii Baaralmaaniga ahaa ee heshiiska lagu ahaa, iyada oo aan la isla oggoleyn.
Marka laga yimaado guulaha siyaasadeed sida deyn cafinta, qaadista cunno-qabateynta hubka iyo xubin ka noqoshada Bulshada Bariga Afrika, Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu miiska siyaasadda ku soo celin waayey Puntland oo uu siyaasadda ku metelo marka la tixraaco nidaamka hab-qeybsiga beelaha, Puntland waxay ka hor timid sida Madaxweyne Xassan Sheekh dalka ku hoggaaminaayo, Xamza waxa uu hormuud ka noqday in Puntland laga joojiyo mashaariicdii hormarineed ee beesha caalamku Soomaaliya ugu deeqday oo la siyaasadeeyay, Mudane Xamza Cabdi marna xiriir wanaagsan lama yeelan Dowlad goboleedyada dalka ka jira. Booqashadii uu ku tegay Baydhabo waxay ahayd mid gadaal ka timid, bishii September 2024 kadib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen diidey in uu ka soo qayb-galo shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul wasaare Xamza waxa uu kala soo noqdey Baydhabo gacmo madhan, taas oo muujisey inta ay gaarsiisan tahay awoodiisa siyaasadeed ee dalka.
Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi wuxuu lumiyey taageeradii dowladd goboleedka Jubaland ee uu ka soo jeedo oo ahayd halkii uu dowladda ka soo galay isaga oo xildhibaan ah, waxaa ka hor yimid Xildhibaanadii ugu badnaa ee ka soo jeeda beeshiisa. Dadka fallanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Xamza uu waayey kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu habqaybsiga siyaasada ku metalaayey kuna qancin kari waayey taageerada dowladda. Mudane Xamza wax taageero ah waa u soo jiidi waayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaana ay ku soo ururtay Muqdisho oo keliya.
Kala qaybsanaanta dalku waxay gaartey heerkii ugu xumaa marka loo bar-bar-dhigo dowladdii tan ka horreysey oo arrimaha la isku hayo iyo kuwa la isla-oggol yahay ay badnaayeen inta la isla-oggol yahay, maadaama asaaskii heshiiska nidaamka federaalka hadda la isku khilaafsan yahay oo dastuurkii laga beddalay qodobo asaas u ahaa nidaamka federaalka iyo wax qaybisaga, taas oo sharciga baal marsan.
Xamza ma is-casili doonaa?
Mar haddii siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid mugdi sii galaysa, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu wajahayaa su’aalo badan oo jira: “Ma samatabixin karaa mustaqbalkiisa siyaasadeed?, mise maalmihiisi xafiiska ayaa la tirinayaa?
Xaqiiqdu waxay tahay in rayslawasaare Xamza caawa dareemaayo in uu fadhiyo goob cidlo ah hareerihiisa ay ku soo hareen Xildhibaano aad u yar. In uu ku guul daraystay inuu mideeyo dalka, taageero la’aanta ka haysata gurigii uu ka soo jeeday ee muhiimka u ahaa. Dad badan ayaa u arka in waqtigiisi uu ahaa fursad dalka laga dhumiyay – taasoo ah mid uu ra’iisul wasaaruhu ku guul-darreystay inuu ka soo baxo caqabadaha hortaagan Soomaaliya oo ku jirta marxalad xasaasi ah.
Hadda waxa si weyn loo hadal hayaa in Ra’iisul wasaare Xamza la kulmaayo cadaadis isa soo taraya oo lagu doonaayo in uu xilka ka dago ka hor inta aan xilka laga qaadin. Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee gudaha iyo loolanka ka dhex jira dowladda federaalka ayaa si cad u muujinaya in hoggaankiisa ay hareeysay awoodda xad-dhaafka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh oo isku koobay waxkasta. Inuu Xamza iskiis isu casilo waxaa la aaminsan yahay in uu diidan yahay Madaxwayne Xasan Sheekh oo u arka in dhiiqada isaga looga baxaayo, mana oggolaan karo karo qofkii aad magacawday sidaas hakuu galo.
Si kastaba ha ahaatee, hal arrin ayaa iska cad: haddii uusan helin dariiq uu ku maareeyo siyaasadda murugsan ee dowladnimada Soomaaliya, waxaa laga yaabaa in uu xilka hayo maalmo kooban.
Ugu dambeyntii, mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu ku xirnaan karaa jiil cusub oo hoggaamiyeyaal ah oo ka gudbi kara kala qeybsanaanta qabiilka, mideyn kara nidaamka siyaasadeed ee dalka ee burburay, soona celin kara xasilloonida. Xamza Cabdi Barre in uu mustaqbalkan door ka ciyaari karo, iyo in uu taariikhda ku dhex milmi doono oo uu yahay hoggaamiye kale oo ku guul-darraystay wixii laga filayey, waa mid taariikhdu xusi doonto.
Mohamed Osman
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Wararka Maanta. Wararka Maanta, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.