NISA oo howlgal ku dishay Shabaab badan, kadibna gubtay…

Posted on

Galcad (Wararka Maanta) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas lagu khaarijiyey ugu yaraan illaa 23 ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa deegaanka Dharaarwey oo hoostaga magaalada Galcad.

Sidoo kale Hay’adda Nabad-sugidda ayaa tilmaamtay inay gubtay saddex gaari oo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo uu mid kamid ahaa baabuur Cabdi Bile ah.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay fuliyay howlgal lagu dilay in ka badan 23 Khawaarij ah, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid ay wateen, howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedk kasoo baxay NISA.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ku raad joogto xubno kale oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab, si loo soo afjaro.

Xaaladda deegaanka uu howlgalka ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada weerarka qaaday ay dib ugu soo laabteen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xoogan oo is barbar socda.

 



Source link