Soo laabashada taliye Odowaa oo rajo cusub abuurtay – Sidee?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa mar kale kusoo laatay hoggaaminta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii ay xalay golaha wasiirada ansixiyeensoo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabistiisa.

Sababta loo soo celiyay Odowaa ayaa ah si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab oo dagaal ay ku jirto dowladda federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana xalay mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,

Tallaabadan ayaa sidoo kale abuurtay rajo cusub, waxaana si weyn ugu farxay shacabka oo intooda badan soo dhaweeyay magacaabista taliye Odowaa Yuusuf Raage.

Cabdirashiid Muxumed Cali “Hambalyo S/Gaas Odowaa ciidanka waa kuu baahnaa gadaashaana waa liicay”.

Axmed Naaji Cabdalla “Nin wayn baa ku soo laabtay hogaanka ciidanka Xoogga dalka, hambalyo Taliye”.

Axmed Gaashaan “Allaha kula qaado masuuliyadda Culus Moralka ciidanka xooga ayaa dib usoo noqday. Gen. Odowaa Yuusuf Raage, hambalyo Taliye”.

Cabdulqaadir Beddal “Qofka in shaqadii shalay laga qaaday looga maarmi waayo ee mar kale lagu soo celiyo qiimo ayay u samayneysaa!”.

Maxamed Geeddi “Libaax labo ma ahan waxaa tahay halyay ay tabeen Umadda Soomaaliyed iyo CXDS soo dhawoow mudane”.

Maxamuud Cabdisalaan “Odowaa waa mudanyahay inuu hoggaamiyo ciidanka qaranka mar labaad i kastoo wakhtigii uu mudnaa xilka lag qaaday,”.

Macruuf Mataan “Waa howlkar laga maarmi waayay guul ayaan u rajayn dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed”.



Source link