Ciidanka DF oo ka hortegay weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaaday…

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa ka hortagay weerar dagaal-yaahanada Al-Shabaab ay isku dayeen inay kusoo qaadaan bariga gobolka Galguduud.

Weerarka kooxda oo si gaar ah ugu wajahnaa magaalada Masagawaa ayaa waxay ciidanka iskaashanaya oo ka war qabay weerarkan ayaa ka hortegay maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee soo qaaday weerarkam

Ciidamada ayaa sii daba jooga firxad kooxda, waxayna haatan how-lgal ka wadaan dhulka ku teedsan degaanka Dhabaqle.

Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in maleeshiyaadka la gaarsiiyay khasaare xooggan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ay socoto tirinta dagaal-yahaanadii weerarka doo qaaday ee lagu laayey halkaas.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidaan oo kale dhowr jeer kooxda ku jabiyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay kooxda soo qaada weeraro u muuqda soo rogaal celin.

Kooxda oo haatan wajahaysa howlgal culus oo ka dhan ah ayaa mararka qaar qaada weeraro ay ku beegsanayaan fadhiisimaha ciidanka dagaalka kula jira.










Source link