NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay Shabaab isku aruursanayay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay xogta howl-gal qorsheysan oo maanta lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaal-yahaano Al-Shabaab ah.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay illaa 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo maleeshiyaadka ay doonayeen inay isku aruursadaan.

Sida ay shaacisay hay’adda NISA, goobtan ayaa waxay u dhowdahay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Howl-galkan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad Khawaarij ah ay isugu yimaadeen goob fariisin qarsoodi ah u ahayd, xilli Sirdoonka Qaranku uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Goobtan uu howl-galka ka dhacay ee la beegsaday ayaa illaa iyo afar mar waxaa kacay dab xoogan, taasi oo muujinaysa in halkaas lagu gubay qaraxyo iyo saanad kale oo hub ah, sida ay shaacisay NISA.

“Ciidamada qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsadaan cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

NISA ayaa door muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo haatan dardar cusub lagu wado, kadib hoos u dhac ku yimid muddooyinkii dambe, ayadoo kooxda ay weli muujineyso inay qaadi karto weerarada ka dhanka ah fariisimaha ciidanka.



Source link