Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo magacaabay Guddi kumeel gaar ah oo ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal isugu jira.
Guddigaan ayaa ka shaqeynaya diyaarinta xeerarka doorashooyinka Ururada iyo Xisbiyada, xeerka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka.
Baarlamaanka labada Aqal ayaa toddobaadkan muddo bil ah dib u dhigay fasaxooda, kadib codsi uu ka hor jeediyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh.
Waxaa la filayaa in dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya bilaabo doodaha la xiriira xeerarka doorashooyinka, maadaama deg deg looga sugayo guddiyadii jiheyn lahaa doorashooyinka.
Kalfadhigaan ayuu qorshuhu ahaa in toddobaadkii hore uu xirmo xildhibaanaduna ay galaan fasaxooda caadiga ah oo labo bilood ah, balse muddo bil ah ayaa lagu daray kulamada golaha, waxaana sidaas baarlamaanka ka codsaday Xasan Sheekh.
Guddiga ay Guddoomiyayaasha labada Gole ee BFS soo magacaabeen ayaa kala ah:
- Xil. Mahdi Maxamed Guuleed
- Sen. Iftiin Xasan Imaan
- Xil. Xiis Xasan Aadan
- Sen. Zamzam Daahir Maxmuud
- Xil. Cabdi Ibraahim Warsame
- Xil. Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim
- Xil. Nurulcayn Khaliif Sheekh Abuu
- Sen. Cabdiqani Ugaas Geele Maxamed
- Xil.Maxamed Muxumed Maxamed
- Xil. Sayid Cali Isxaaq Maxamed
- Sen.Aadan Cabdinaasir Maxamed
- Xil.Dahabo Suusow Maxmuud
- Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi
- Xil. Cali Xasan Ibraahim
- Xil. Yuusuf Xeyle Jimcaale
Waajibaadka Guddiga ayaa ah:
- Ka baataandegga iyo Diyaatinta Xeerarka Doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada siyaasideed, iyo Sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
- U soo gudbinta labada aqal oo wadajira warbixin dhamaystiran oo ku saabsan xeetarka kor ku xusan.