Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada maamulka Galmudug.
Golaha Wasiirada Galmudug ayaa shirkaan cod aqlabiyad leh ugy ansixiyay miisaaniyadda Galmudug ee 2025 oo sameysay koror ka badan boqolkiiba labaatan.
Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo muran badan ka taagan yahay, islamarkaana muddo kororsi loogu sameeyay dowlad goboleedyada qaarkood.
Sidoo kale waxaa shirkaan warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga gudaha, oo ka warbixisay amniga guud ee Galmudug iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar leh uga socda deegaannada maamulka.
Waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay wasaaradda howlaha guud oo ka warbixisay mashaariic kaabayaal dhaqaale ah oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Galmudug.
Mashaariicdan ayaa kala ah; dekedda Hobyo, dhismaha waddooyinka caasimadda Galmudug iyo wsdddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Dhusamareb iyo Cadaado, dhismaha xarunta baarlamaanka oo hadda maraya meel gebo-gebo ah iyo sidoo kale dhismaha garoonka caasimadda oo si dardar ah ku socda.
Golaha wasiirada ayaa waxa kale oo maanta loo qeybiyay nuqullo ka mid ah qabyo qoraalka sharciga maalgashiga shisheeye ee Galmudug.